AhmedShaakir

AhmedShaakir

Ciwaanka Dhagayso Length
Mukhtasir Saxiix BukhariQ21"www.Duruus.com

42:04 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ22"www.Duruus.com

54:15 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ23"www.Duruus.com

49:43 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ24"www.Duruus.com

64:13 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ25:::""www.Duruus.com

64:36 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ26:::""www.Duruus.com

64:12 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ27:::""www.Duruus.com

69:40 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ28:::""www.Duruus.com

53:36 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ29:::""www.Duruus.com

78:52 min

Ciwaanka Dhagayso Length
Al-Tibyaan Fii Aadaab XamalatilQuraanQ1

61:38 min
Al-Tibyaan Fii Aadaab Xamalatil QuraanQ2

35:36 min
Al-Tibyaan Fii Aadaab Xamalatil QuraanQ3

31:54 min
Al-Tibyaan Fii Aadaab Xamalatil QuraanQ4

44:06 min
Al-Tibyaan Fii Aadaab Xamalatil QuraanQ5

28:08 min
Al-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil QuraanQ6

55:48 min
Al-Tibyaan Fii Aadaabi Xamalatil QuraanQ7

62:30 min

Ciwaanka Dhagayso Length
Caqiilatu Atraab Al-QasaaidQ1

49:05 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q2

66:49 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q3

46:51 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q4

58:10 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q5

62:18 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q6

41:41 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q7

48:08 min
Caqiilatu Atraab Al-Qasaaid Q8

60:05 min

Ciwaanka Dhagayso Length
Mukhtasir Saxiix BukhaariQ1"www.Duruus.com

60:40 min
Cashirka 2 Shaqo Ayaa Kusocoto

15:47 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ3"www.Duruus.com

67:39 min
Mukhrasir Saxiix BukhariQ4"www.Duruus.com

55:29 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ5"www.Duruus.com

63:46 min
Mukhrasir Saxiix BukhariQ6"www.Duruus.com

61:19 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ7"www.Duruus.com

65:21 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ8"www.Duruus.com

50:51 min
Mukhtasar Saxiix BukhariQ9"www.Duruus.com

59:08 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ10"www.Duruus.com

59:50 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ11"www.Duruus.com

53:51 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ12"www.Duruus.com

46:48 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ13"www.Duruus.com

42:07 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ14"www.Duruus.com

49:12 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ15"www.Duruus.com

44:17 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ16"www.Duruus.com

63:28 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ17"www.Duruus.com

44:55 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ18"www.Duruus.com

57:46 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ19"www.Duruus.com

48:28 min
Mukhtasir Saxiix BukhariQ20"www.Duruus.com

41:35 min

Tuesday, 17 May 2011 23:40

Al Muqadimatul Al-Jazariy

Ciwaanka Dhagayso Length
Al-Jazariyah Q1::" www.Duruus.com

57:41 min
Al-Jazariyah Q2::" www.Duruus.com

45:34 min
Al-Jazariyah Q3::" www.Duruus.com

60:10 min
Al-Jazariyah Q4::" www.Duruus.com

58:38 min
Al-Jazariyah Q5::" www.Duruus.com

58:12 min

Ciwaanka Dhagayso Length
Suuratu Ad-Duur :::::wwwDuruus.com

5:58 min
Suuratu An-Najmi ::::www.Duruus.com

8:01 min
Al-Qamar ::: www.Duruus.com

8:45 min
Al-Infidaar ::::Duruus.com

2:06 min

Wednesday, 13 April 2011 02:33

Muxaadaro-Ashraadu saacah

Ciwaanka Dhagayso Length
www.Duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q1

56:07 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q2

59:20 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q3

59:00 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q4

63:04 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q5

62:08 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q7

31:51 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q8

62:06 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaama Q10

56:55 min
www.Duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q11

27:54 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q12

61:50 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q13

63:12 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q14

63:30 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q15

30:27 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q16

31:57 min
www.duruus.com
Calaamadah Qiyaamah Q17

60:36 min

Saturday, 12 February 2011 21:56

KII NOOHAGAAGEE

KII NOO HAGAAGEE NOQO LOO HAN WAYN YAHAY

 

Ilaah baa mahad leh nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxamed, intaa ka dib.

Waxaan joognaa dhamaadka sannadka lagu xisaabiyo Dayaxa ama loo yaqaano Islaamiga iyo kan lagu tirsado Qoraxda ama loo yaqaano Masiixiga (Gregorian) kama hadli doono sida ay ku yimaadeen magacyadan oo iyagu u baahnaan lahaa in aan wax ka ogaano sida magacyada maalmaha iyo bilaha iyadoo aan og nahay in Allah uu ku xusay Quraanka kariimka ah suuratul Baqara, waxaan qormadaydan uga dan leeyahay waxay tahay marka hore inaan bal sannadkan dhamaaday iyo kan kale ee inoo curtay aan sameeyo laftayda xisaab xir, aniga iyo walaalahayga Islaamka, taas oo aan ahayn xisaab xir xooleed ee ah xisaab xir cimrigeena maxaan qabsanay, bal aan eegno sannadka iyo inta uu ka kooban yahay iyo waxa wanaagsan ee aan qaban karno sannadka gudihiisa inta ay la eg yihiin iyo inta ka banana wakhtigeena ee haraaga ah waxaan ku qabanay iyo waxaan doonayno yoolka aan hiigsanayno oo ah gelida Jannada Alle.

Sannadku wuxuu ka koobsan yahay 12 bilood oo mid walba tahay ugu badnaan 30 maalin oo maalin walba tahay 24 saacad, saacad walba tahay 60 daqiiqadood.

Bal intaas isku soo dhufo oo waxaad eegtaa intay noqon karto.

12 x 30 = 360 maalin.

360 x 24 = 8640 saacadood.

8640 x 60 = 518400 daqiiqadood.

Runtii nus milyan daqiiqadood wax wayn baa lagu qaban karaa ee bal dhanka kale aynu eegno inta uu qofku samayn karo camalka wanaagsan, taas oo kala ah sidan soo socota.

Salaad (waajib iyo sunno), Soon (waajib iyo sunno), Quraan akhrin, sadaqo la bixid, qof xanuunsan booqasho, wax wanaagsan samayn.

Intee saacadood baynu howlahaas oo dhan ku qaban karaa, ama kaga buuxin karaa nolol maalmeedkeena ama inteen ka siin karaa nus milyankaas daqiiqadood, bal aynu xisaabino maalin walba iyo waxa aynu qabano.

5 shanta salaadood tiiba waxay inagu qaadataa ugu badnaan 10 daqiiqadood, taas oo macnaheedu yahay 50 daqiiqadood maalin walba.

Waysada shanta salaadood iyaduna waxay inagu qaadan kartaa 50 daqiiqadood marka lagu daro is daahirinta iyo suuli isticmaalka.

Waxaa intaa dheer Salaada ka dib inta uu qofku fadhin karo ee uu akhrin karo adkaarta Salaada ka dib ugu badnaan waa 20 daqiiqad maalintii.

Taasi macnaheedu waxay tahay dhamaan howshaasi waxay inagu qaadataa 2 saacadood, dhan kale haddaynu u dhigno macnuhu wuxuu noqonayaa maalintii ahayd 24 – 2 = 22 saac ee soo haray maxaynu qabanaa.

Inta aynu Quraanka ka akhrino maalintii isku celcelis, waa saacad 22 - 1 = 21

Inta ay dhici karto inaan sameyno khayraad iyo booqasho dad xanuunsan oo walaalaheena ah ku bixino, ama aynu Diin barano iyaduna waxay noqon kartaa ugu badnaan 3-4 saacadood haddaba 21 – 4 = 17

Kaba soo qaad inuu qofku Salaada sunnada ah ku bixiyo maalintii sidaa oo kale hal saac, oo ah 17 – 1 = 16

Waxaa inoo soo haray wakhtigeenii qaaliga ahaa maalin walba ugu yaraan ilaa 16 saacadood oo firaaqo ah, ama dhanka kale u dhahoo aan ku bixno adduun.

Isu gee 8 saacadood oo kaliya ayaan maalintii kaga faa'iidaysanaa aakhiradeena.

Taas macnaheedu waxa weeyaan sannadkan inaga dhamaaday haddaynu eegno waxaan ka faa'iidaysanay iyo waxaan ku khasaaray wuxuu noqonayaa sidan.

Wakhtiga aynu haysanay wuxuu ahaa 360 x 24 = 8640 saacadood, haddaba waxaan khasaray iyo waxaan faa'iidnayba waa sidan.

8 x 360 = 2880 ayaan ka faa'iidaysanay.

16 x 360 = 5760 iyadana waan ku khasaaray.

Sii dhiraandhiriyoo waxay noqonaysaa.

2880 x 60 = 172800 daqiiqadood ayaan ka faa'iidaysanay sannadkii ina dhaafay.

5760 x 60 = 345600 daqiiqadood baan ku khasaaray sannadkii ina dhaafay, mase og tahay inaynu intaas barkeed ku bixinay hurdo oo ah maalintii haddii aad seexato 8 saacadood waxay sannadkii noqonaysaa sidan.

8 x 60 = 480 sideed saacadood, saacadiiba waa lixdan daqiiqadood,

480 x 360 = 172800 daqiiqad baynu hurdo ku bixinaa sannadkii.

xagga haddalka haddii aynu eegno sida uu ahaa hadalkeena sannadkii inaga tagay, si aynu ugu xisaabtano waxaa inoo soo baxaysa xisaab runtii lala amakaago iyadoo aynu og nahay hor ahaanba inuu Ilaahay Quraanka Kariimka ah ku yiri

"مَا يَلْفِظُ مِنْ قَوْلٍ إِلا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ  " macnaheeduna yahay "Kuma dhawaaqo qofku eray waxaase ag jooga malaa'ig qoraya" Rasuulkuna uu oranayeye xadiithkii Bukhaari iyo Muslimba wariyeen.

  "عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيرا أو ليصمت رواه البخاري ومسلم"  

oo macnaha ku jiraa uu yahay kan Ilaah iyo Maalinta aakhirada rumaysan khayr haku hadlo ama ha iska aamuso" cilmibaaristu siday sheegayso xagga hadalka qofka wayn ee hadalkiisu yar yahay wuxuu daqiiqadii ku hadlaa ilaa 100 weedh (eray) dadka iyagu ku shaqaysta hadalka sida qolooyinka naadada suuqa ka sameeya waxay daqiiqadii ku hadlnaan 300-500 weedh (eray), haddaba inagu soomaali baynu nahay sidaa darteeda waxaa la inagu sheegaa inaynu aad u hadal badanahay waxaad ka soo qaadaa inaan daqiiqadii ku hadalno ugu yaraan ilaa 150 weedh (eray) haddaba waxaad ogaataa inuu qofku 24kii saac u baahan yahay ilaa 8 saac oo hurdo ah waxaa soo haraya waa ilaa 16 saacadood oo uu ku bixinayo hadal inteeda badan, bal kaalay aanu xisaabino inta aanu hadalno maalintii, isbuucii, bishii, iyo sannadkiiba, si aanu u ogaano xisaabta inooga baxday inta aanu hadalnay sannadkii inaga tagay.

16 x 60 = 960 inta daqiiqad ee aynu haysano maalintii.

960 x 150 = 144,000 waa inta weedh ee suurtagalka ah inaan ku hadalno maalintii.

Haddaba si aynu ku ogaano toddobaadkii intaa ku dhufo 7 cisho.

144,000 x 7 = 1,008,000 in ka badan milyan eray toddobaadkii.

144,000 x 30 = 4,320,000 afar milyan seddex boqol iyo labaatan kun oo eray bishii

144,000 x 360 = 51,840,000 oo weedh sannadkii.

Tolow sannadkan aynu sagootinayno imisa ayaa diiwaanka Alle ee aan isagu la tirtirin inoo gashay, imisa eray oo khayr iyo wanaag ah ayeynu ku hadalnay, iyadoo aan Ilaahay macna dari ka soo qaadaynin waxa aanu ku hadalno sida aayadii Quraanka ahayd inoo tilmaantay, dhamaan waa la inoo diiwaan galinayaa maalin baa la ina hor keeni doonaa oo aanu oran doonaa sida Rabbi ku sheegay Quraanka

  "وَوُضِعَ الْكِتَابُ فَتَرَى الْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ   يَا وَيْلَتَنَا مَالِهَذَا الْكِتَابِ لا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلا كَبِيرَةً   إِلاّ أَحْصَاهَا وَوَجَدُوا مَا عَمِلُوا حَاضِراً وَلا يَظْلِمُ رَبُّكَ   أَحَداً"

Iyadoo aynu og nahay weedhu inay ka kooban tahay xuruufo, kaba soo qaad inay tahay cel-celis ahaan 5 xaraf weedhiiba.

144,000 x 5 = 720,000 waa inta xaraf ee aynu ku hadalno maalintii, waa intee toddobaadkii.

720,000 x 7 = 5,040,000 shan milyan iyo afartan kun oo xaraf ayaanu isbuucii ku hadalaa.

720,000 x 360 = 259,200,000 waxaynu ku hadalnaa sannadkii waa laba boqol sagaal iyo konton milyan iyo laba boqol oo kun oo xaraf tolow maxaa ka khayr ah maxaase aan ahayn kitaabkii uu Illaahay sheegay inay Malaa'igta qorayso muxuu ku buuxsamay.

"وإن عليكم لحافظين كراما كاتبين يعلمون ما تفعلون" وقال تعالي "ونخرج له يوم القيامة كتابا يلقاه منشورا اقرأ كتابك كفى بنفسك اليوم عليك حسيبا"

 

Isku soo duuduuboo waxaa halkaas ka rumoobay xadiithkii Nabigeena suuban ee ku sugnaa saxiix Bukhaariga ee oranayey "Labo nimco in badan oo dadka ka mid ah way ku khasaareen, caafimaadka iyo firaaqada" maxaa inala gudboon inagoo u taagan farxada sannadka cusub iyo hambalyadiisa aana is ogayn inaan khasaaray ama khasaaro inoogu dhamaaday sannadkii inaga tagay, ma inaan ciida wanaagsan sannad walba orano mise inaan madaxa foorarino oo aan is daba qabano, iyadoo aan sannadkan cusub u sii dhawaanay in sannad loo socodo qabrigeenii, ama sannadkii tagay ayaan ka cumri dheereen maanta, waana ku faraxsanahay cumri gaabadka inagu dhacay, sow maan gaabni iyo dhoohani ma aha, wuxuu Ilaah inoo sheegay suuratul Mu'minuun inuu dadka waydiin doono "Imisa sanno ayaad dhulka ku nagaateen? Waxay oranayaan waxaan ku nagaanay maalin ama maalin gelinkeed ee waydii kuwa wax tiriya"

Hadday taasi ahayd wixii khayr ahaa ee aanu soo qabanaynay sannadkii tagay bal ila eeg kolkanna soonkeenii, bisha Ramadaan iyo lixda Shawaal, maalinta Carafa iyo labada maalmood sagaalaadka iyo tobnaadka Muxaram oo Soomaalidu u taqaan bisha Sakada. Intaasi waxay noqonaysaa 39 maalmood.

360 – 39 = 321 maalmood oo aadan soomanayn. Tolow maxaynu Ilaah kala hortagi sannadkan dhamaaday sidaas baynu ku dhamaysanay oo ah.

321 oo aynan soomanayn iyo 345600 daqiiqad oo khasaara ah. Iyadoo ay intaasi inoo dheertahay inta dambi ee aynu ku dhacnay been, xan, xasadnimo, xaaraan cunid, laba wajiilanimo, qof Muslim dhibkiis ama dilkiis oo lagu farxo, qabyaalad, qaadka oo la cuno, sigaarka oo la cabo, wakhtiga oo meel fadhi lagu dhumiyo, iyo dambiyo fara badan oo aan la soo koobi Karin.

Haddaba ma inoo eg tahay sannad walba farxad ku ciida inaynu ku heesno, ama isuguba bishaarayno sannad wanaagsan, iyo happy new year.

Waxaa intaasiba ka sii murugo badan kan aan isagu Salaad iyo Soon waxay ahaayeenba aanan sanaadkii inaga tagay ag marin oo aan ogayn meel lagu tukaday ama lagu soomayba.

Waa kaa kan inoo hagaagee aynu u hanwaynayn sidaa ku dhamaaday, tolow maxaa xigi Rabbow na astur noona gargaar.

Geba gebo iyo gunaanad waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwo cumrigooda uga faa'iidaysta wixii khayr iyo wanaag ku jiro adduun iyo aakhiro intaba, inaguna aynu ku tala galno ugu yaraan 360 maalmood ee inagu soo food leh haddiiba Ilaah ina gaarsiiyo inaynu ka faa'iidaysano in badan oo ka mid ah Ilaahayow na sii Cimri dheer oo cibaado suuban leh.

  "يا ايها الذين آمنوا اتقوا الله و التنظر نفس ما قدمت لغد و اتقوا الله ان الله   خبير بما تعملون. ولا   تكونوا   كالذين   نسوا   الله فأنساهم أنفسهم أولئك هم الفاسقون"

وقال تعالي "فذوقوا بما نسيتم لقاء يومكم هذا   إنا نسيناكم وذوقوا عذاب الخلد بما كنتم تعملون"

 

Wabillaahi tawfeeq.
Waxaa Qoray:
Sh. Bashiir Yuusuf Shiil

Saturday, 12 February 2011 04:29

ZAKATUL FIDRI

ZAKATUL FIDRI

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Islaamka wuxuu waajibiyey Arrimo laga doonayo qofka sheegta inuu la yimaado oo ay ugu horeyso Salaada, Zakada, Soonka iyo Xajka oo ah qofkii awooda sahay iyo gaadiid, intaasiba waxay qofka ku waajib noqonayaan markuu ku dhawaaqo shahaadada, qaar ka mid ah arrimahaasi waxaa dhacda in laga cafiyo qofka awood la'aan darteed, taas oo iyana noqon karta Soonka sida qofka xanuun aan caafimaad lahayn hayo ama gabow aan la soomi Karin ama haweeneyda uurka leh ama ilmaha nuujinaysa, iwm.

Waajibyadaasi waxaa ka mid ah qaar aan marna iyo sinaba looga cafinaynin sida Salaada waxaa kaliya oo laga cafiyaa waa. A). Inuu yahay qof aan miyir lahayn. B) Inuu caruur yahay. C) Inuu hurdo ama halmaan uga tagtay Salaada oo markuu soo kaco ama uu xusuusto laga doonayo inuu la yimaado oo soo gudo.

Haddaba Zakada oo ka mid ah waajibyadaas waxay u qaybsantaa laba nooc oo kala ah.

1. Zakada xoolaha (Dahab, Qalin, iyo xoolo nool) oo leh laba shardi oo kala ah in xoolahaasi intaad haysatay uu ka soo wareegay sannad iyo inay gaareen xadigii(qiimaha) lagu bixin lahaa.

2. Zakaatul-Fidri oo bisha Ramadaan dhamaadkeeda la bixiyo ka hor intaan Salaada Ciidda la tukanin. Waajibnimada Zakaatul-Fidriga Wuxuu oranayaa Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab inuu Nabigu waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay.

Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:

1. Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.

2. Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm.

3. Waxa la bixinayo waa inay noqotaa cunno ma banaana lacag, oo kaliya haddii lacagtaasi lagu sii gadayo raashin ka dibna la siinayo masaakiinta waa banaan tahay, waxaa la mid ah haddii meesha uu qofku ku nool yahay aysan lahayn masaakiin way banaan tahay in loo qaado meeshay masaakiinta joogto ka dibna halkaasi loogu qaybiyo.

4. In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri sida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inooga sheegay xadiith saxiix ah.

Goormay waajib noqonaysaa in la bixiyo ?

Waxay isku waafaqeen dhamaan Culumada Islaamka in la bixiyo wixii ka horeeya Salaada Ciidda ka hor, intee laga hormarinayaa? Waxay ka yiraahdeen haddalo badan waxaase fiican dadkeena dibada ku nool in wakhti la gaarsiin karo masaakiinta aynu sii bilowno uruurinta waajibkaasi si aanu hubaal ugu gudano waajibkaasi Ilaah inagu waajib yeelay.

Waxaad arkaysaa dadka qaar intaan Salaada la tukanin ku oranaya waxaanu wadnaa Zakaatul-Fidrigii sideenu yeelayaa? Wakhtigaasi waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri, sababtoo ah su'aasha meesha taal ayaa waxay tahay yaa gaarsiin kara miskiin wakhtigaas, haddii aanu ku noolaan lahayn dhulkeenii ama dhulka Muslimiinta kaleba waxaa sahal noqon lahayd inaanu helno miskiin la siiyo, laakiin hadda maya.

Waxaa dhacda inaanu aragno dadka dibada ku nool hooyo kaligeed ah oo wadata ilmaheedii, aabihiina uu dhintay ama ay kala tageen, xaaladeedu maxay noqonaysaa? Haddii ilmahaasi yihiin agoon isla markaasina ay hooyadaasi haysato xoolo waa inay Zakada ka bixisaa ilmaheeda ajar ayeyna ka helaysaa iyadoo ilmaheeda ay yihiin.

Haddiise uu aabihii nool yahay isla markaasi ay ilmihii haysato hooyadood aabahaasi waxaa ku waajib ah inuu bixiyo Zakaatul-Fidriga hadduusan bixin isagaa hor Allaah ku dambaabaya loona haystaa, markaasi ay sidaasi tahay hadday hooyadu ka bixiso waxay leedahay ajarkeeda.

Waxaa dhacda dadka qaar inay is weydiidaan ilmihii siqiirka ahaa ee dhintay ama dhiciska ahaa ma laga bixin karaa? Maya waajib kuguma aha waxaa kugu waajib ah qofka nool lab iyo dheddig ku yar iyo mid wayn wuxuu ahaadaba in laga bixiyo qof dhintay ama aan dhalanin oo uurka ku jira midna waajib kuguma aha inaad ka bixisid, laakiin haddii ilmuhu kuu dhasho bisha Ramadaan gudeheeda ama intaan la tukanin Salaada Ciidda waa inaad ka bixisaa Zakaatul-Fidriga.

Sababta loo waajibiyey Zakadan ayaa waxay tahay in qofka Soonkiisii laga nadiifiyo wixii xumaan iyo wasakh ah ee gaaray, Allaah waxaanu ka baryeynaa inuu naga aqbalo Soonkeena, Salaadeenna,nagana dhigo kuwii liibaana adduun iyo aakhiraba.

 

Wabillaahi tawfeeq.
Waxaa Qoray:
Sh. Bashiir Yuusuf Shiil

Saturday, 12 February 2011 03:58

Adaabta Salaadda Ciida

Adaabta Salaadda Ciida


 

HORUDHAC

Waxaa la wada ogsoon yahay ummad walba waxay leedahay ciido u gaar ah iyo meelo gaar oo ay weyneeyaan. Annagu haddaan Muslimiin nahay waaxaan leenahay labo ciidood oo kaliya. Kuwaasoo kala ah 1. Ciidda Soonfur 2. Ciidda Carafo .Waxaa kaloo jira ciidda todobaadka oo ah malinta Jimcaha. Anas Ibnu Maalik Allah ha ka raali noqdee wuxuu yiri: "Markii Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahatee Madina u soo hijrooday waxaa jiray, labo maalmood oo la xurmayn jiray kuwaasoo ahaa labo maalmood oo jaahiligii sifiican loo cayaari jiray. Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee marku ogaaday labadaas malmood inay ciyaari jireen oo farxii jireen, wuxuu u shegay in Allah ugu baddalalay labo maalmood oo ka khayr badan oo kala ah: Ciidul-Fitri iyo Ciidul -Adxaa.Waxa jira Ciido dadka qaarkiis u haystaan in ay ka mid yihiin Ciidaha Islaamka Allahna loogu dhawaado. Ciidahaas lugu khaldamay waxaa ka mid ah:

1. Mowliidka Nabigeena nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee.

2. Laylatul Micraaj oo ay ula jeedaan markii Nabiga Nabad galyo iyo Naxariis dushiisa ahaatee la Dhoofiyay-ama la Dheelmiyay.

3. Laylatul Xukun oo ah bartamaha bisha Shacbaan.

Dhammaan Ciidahaas kor ku xusan oo dhami waa Bidco aan ka mid ahayn diinta Islaamka Allaahna looga fogaado, maxaa yeelay khayr oo dhan wuxuu ku jiraa raacidda jidka toosan ee Salafkii suubanaa oo iyogu aan u dabaaldagi jirin ciidaha kor xusan.

ADAABTA SALAADDA CIIDA

Dad badan ayaa iska fududaysta Salaadda Ciidda ayagoo ku andacoonaya inay sunno tahay! . Laakiin arrinkaas sax ma aha, maxaa yeelay culumada Islaamka qaar ka min ah waxay qabaan iyagoo daliil iyo xujo haysta in Salaadda Ciiddu ay waajib tahay. Culumadaas waxaa ka mid ah: Imaan Abuu-Xaniifa, Shiikhul Islaam Ibnu Teymiya, Imaam Shawkaani, Shiikh Albaani iyo kuwo kaleba. Imaam Shawkaani wuxuu yiri: "Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee weligiis kama tegin Salaadda Ciidda, wuxuu amray dadka inay Salaadda u baxaan. Wuxuu Nabigu Nabad galyo iyo Naxaarisi dushiisa ha ahaate amray in haweenka guryaha laga soo saaro xataa kuwa caadada qaba iyo in kuwa maqabiyooyinka ahba si ay kharyrka iyo weyneynta Ciidda ula wadaagaan dadka kale. Haweeneydii aan xijaab heli karin Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee wuxuu amray in ay saaxiibteeda ka amaahato. Arrimahaas oo dhami waxay caddaynayaan in Salaadda Ciidu waajib tahay. Waxaa kaloo culumadu waajibnimada Salaadda Ciidda ay daliil ka dhigteen in haddii Ciidda ay ku soo beeganto maalin Jimce ah, Salaadda Jimcaha waxay noqonaysaa khayaari oo waajib ma'aha ,Arrinkaas Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee ayaa xadiis saxiix ah ku xusay. Culumadu waxay arrintan kala soo dhexbaxeen in haddii salaadda Ciiddu ay waajib tahay, haddii kale ma ayan awoodeen in ay Jimcaha rido, sidaas daraadeed Salaadda Ciiddu waa waajib maadaama Salaaddi Jimcaha darteed loo baajiyay. Haddii aan u soo noqono aadaabtii Ciidda waxaa ka mid ah :

1. ISDAAHIRIN

Isdaahirintu waa in subaxa Ciidda la qubaysto lana xirto dharka markaa la haysto kan ugu wanaagsan, lana is carfiyo gaar ahaan Ragga, maxaa yeelay Haweenka Muslimiinta ah waa ka xaaraan inay is carfiyaan markay Ciidda ama Masjika ama dibadaha ay aadayaan. Arrinkaas Haween badan ayaa ku gabood falay, oo waxaad moodaa in la yiri quruxdiina muujiya maalinta Ciidda. Marka Haweenku Allah ha ka baqaan oo ha ilaaliyaan xuduudda Alle. Waxaa iyadana xusid madan in ragga qaar ay munaasabadda Ciidda ay garka xiiraan shaarubadana sii daayaan iyagoo qurux moodaya, waxayse hilmaansan yihiin inay taasi tahay gaalo isku ekaysiin. Raggaas waxaan xusuusinaynaa in quruxda iyo haybadduba ay ku jirto ku dayashada Rasuulkeeni suubanaa Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaate, oo na amray inaan garka sii dayno shaarubadana gaabinno.

2. Adaabta Cuntada

Waxaa sunna ah in salaadda Ciidda Carafo inaan wax la cunin salaadda ka hor, laakiin ciidda soonfureed (fitriga) waxaa sunna ah in lagu af bilowdo xabado timir ah oo tiro is dheer ah (kisi).

3. Takbiirta

Takbiirta (Allahu Akbarta) waa in lagu dhawaaqo korna loo qaado inta ciidda loo socdo. Waxaa dad badani caado ka dhigteen inay sheekaystaan inta Ciidda loo socdo, waxaan idiin dardaarmayaa in arrintaa laga waantoobo. Salaadda Ciidda waa labo rakcadood , mana laha wax sunno ah oo ka horreeya ama ka dambeeya. Sidoo kale malaha Aadaan iyo Iqaamo. Sida lawada ogsoon yahay salaadda Ciidda waa labo rakco, rakcadda koowaad toddobo jeer ayaa Allaahu Akbar la oronayaa, rakcadda labaadna shan jeer baa Allaahu Akbar la oronayaa..

Xusuusin

1. In takbiirta (Allaahu Akbar) dadka oo dhan hal mar isla dhahaan waa bidco aan salafka hore u samayn, marka takbiirta waa in qof walba iskiis u dhahaa.

2. Khudbadda salaadda Ciidda waa ikhtiyaar qofkii raba waa dhagaysan karaa, kii doonayana waa danaysan karaa salaadda kadib.

3. Sida salaadaha kale salaadda Ciiddu waxay ku xirantaa Allahu Akbar, asalna sunada Rasuulkeenna kuma leh in salaadda lagu galo Naweytu iyo waxii ee la min ah. Uga dambeyntii, waxaan shaki ku jirin in maalinta Ciiddu tahay maalin la farxo, la is booqdo, xaflado la dhigo . Laakiin taasi macnaheedu ma aha in Xuduudda Alle lagu tunto oo la dhex dabaasho xaaraan(sida Ruwaayado la dhigo iwm), sharciga Allana lagu xadgudbo. Dhamaan walaalaha Muslimiinta waxaan xusuusinaynaa inay Ilaah ka baqaan oo ogaadaan in xisaab Alle ay la kulmayaan.


Wabillaahi tawfeeq.
Waxaa Qoray:
Sh. Bashiir Yuusuf Shiil

 

 

 

 

<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>
Page 1 of 12